U bood dhigaalka

Dad Lagu Tuhmey Weerarkii Jannaale oo Diyaarad Lagu Soo Daabulay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imanay deegaanka Jannaale ee Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in diyaarad helicopter ah ay halkaasi kasoo qaaday dhalinyaro lagu tuhmayo in ay wax ka maleegeen weerarkii shalay lagu qaaday saldhigga AMISOM ee Jannaale.

Dhalinyaradani ayaa laga heley sawiro muujinayo meydadkii askarta AMISOM, taasi oo ka dhigan in ay galaangal u yeesheen halkii uu dhibka ka dhacay waxyar uun kadib markii uu weerarka dhacay, islamarkaasina gurmadka AMISOM uusan halkaasi gaarin.

Dhanka kale diyaaradda ayaa soo qaatay qaar ka mid ah dhaawacyadii askarta AMISOM.

Waxaa jira warar ka hadlaya in la la’yahay in la la’yahay tiro badan oo askarta AMISOM ah illaa maalintii uu weerarka dhacay kadib.

Goobjoog News