Dad Loo Soo Qabtay Dil Maanta Degmada Wadajir Loogu Geystay Qof u Shaqeynayay Wasaaradda Maaliyadda

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ay kusoo qabteen dad lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin dil maanta xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir loogu geystay wiil dhallinyaro ah oo la sheegay inuu u shaqeynayay wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaraddaasi Maxamed Yuusuf oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in dilka ka dib ay ciidamada ammaanka sameeyeen howlgallo lagu soo qabqabtay dad badan, islamarkaana dadka lasoo qabtay ay Labo ka mid ah ku tuhunsanyihiin inay kaalin ka qaateen dilkaasi.

“Waxaa lasoo qabtay dad badan oo ay ku jiraan Laba Qof oo lagu tuhun sanyahay in dilkaasi ay wax ka sameeyeen ama wax ka fududeeyeen, sida dadka deegaanka inoo sheegeen, marka baaris ayaa ku socda, wixii kasoo baxana waan arki donnaa” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhinaca kale ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxya howlgallo amniga lagu sugayo ka sameeyeen degmooyin badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho iyo sidoo kale wadooyinka laga soo galo magaalada Muqdisho.

Marxuumka lagu dilay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ayaa lagu magacaabayay Ciise Beyle, waxaana uu ka shaqeynayay wasaaradda Maaliyadda, isaga oo ka howlgali jiray Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Goobjoog News

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW