U bood dhigaalka

Dad Loo Soo Qabtey Ganacsade Xalay Lagu Diley B/weyne

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee magaalada Baladweyne ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgal dad lagu soo qabtey oo ay ka sameeyeen magaaladaasi, kadib dil xalay magaaladaasi loogu geystay ganacsade caan ah.

Korneel Cali Cabdi Mahad Alle, taliyaha saldhigga Booliiska B/weyne oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dilkaasi ay usoo qabteen tuhmanayaal gaaraya 8, islamarkaana ay baaritaan wadaan.

Dadka xiran ayuu sheegay iney ku jirto Gabar, islamarkaana ay daba socdaan warbixinno iyo raadad, waxaana uu hoosta ka xariiqey iney sii deyn doonaan ciddii aan dambi lagu helin.

Taliyaha ayaa sheegay in ganacsadihii xalay la diley uu si gaar ah gacanta ugu hayey dhismaha saldhigga magaalada B/weyne.

“Waan ka xunnahay geerida ku timid walaalkeen Muumin dheere oo gacanta ku hayey dhismaha ka socda saldhiggan B/weyne, waxaan soo qabanney 8 qof oo midi gabar tahay, dad aan dambi lahayn ma rabno inaan sii haynno, wixii dambi leh iyo wixii aan lahayn waa la kala saarayaa, kuwo kalena waan daba joognaa” ayuu yiri Korneel Mahad.

Taliyaha Saldhigga B/weyne Korneel Cali Cabdi Mahad Alle ayaa ugu dambeyn ugu baaqey shacabka ku dhaqan magaaladaasi iney u istaagaan sidii ay ciidamada amniga ula shaqeyn lahaayeen, islamarkaana loo soo qaban lahaa dadka dilalka qorsheysan magaaladaasi ka geysta waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News