U bood dhigaalka

Dad Safar Ah Oo Lagu Afduubtay Gobalka Sool

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobalka Sool ayaa sheegaya in xalay ay deblay hubeysan ay dad shacab ah ka afduubteen deegaanka Carrooley  oo hoostaga gobalka Sool.

Dadka la afduubtay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad safar ah kuwaas oo ka yimid deegaanka Xalin  ee degmada Taleex.

Dableyda wax afuudabatay oo aan heyb tooda la aqoon ayaa la sheegay in ay aheyn kuwa u abaabulan qaab beeleed.

Warar aan la hubin oo deegaanka ka soo baxaya ayaa sheegaya in dableyda ay ka gadood sanaayeen Nabadoon degaanka ah oo ciidamada Somaliland dhawaan ay xireen.

Goobjoog News