U bood dhigaalka

Dad Shacab ah oo Ku Geeriyooday Walxa Kula Qarxay Gobolka Bokool

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobolka magaalada Xudur ee gobolka Bokol ayaa waxaa ay sheegayaan  in deegaan hoostaga degmada,  waxyeello ka soo gaartay haardiha walxaha qarxa oo  kula kacay dhulka baadiyaha ah.

Qaraxa ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Gaabaney oo hoosta taga degmada Xudud, qaraxa ayaana kacay kadib markii sedex ruux ay soo qaadeen iyagoo u maleenayey gumac rasaas Hoobiye qarxay.

Dadkii soo qaaday walxaha qarxa oo sedex ruux ahaa ayaa gabi’ ahaan ku nafwaayey qaraxaas, waxaana la sheegay in ay ahaayeen laba rag ah iyo qof dumar ah, walxaan saaka qarxay ayaa deegaan waxaa uu yaalay  muddo dheer.

Allaah unaxariistee Cumar Maxamed Cali iyo Maxamuud Abdi Maxamed ayaa oo ku geeriyooday goobta walxaha qarxa kula kaceen, waxaana ay ahaayeen  aabayaal,  waxay ifka uga tageen shan iyo toban caruur ah iyo sadax  xaas,

Gaba la geeriyootay raggaan oo aheyd 17 sano jir ayaa waxaa uu dhaawac halis ah ka soo gaaray qaraxa, iyadoo isbitaalka la geeyey, halkaas ayey ugu dambeyn ku geeriyootay gabadha oo kaheyd  ruux sedexaad ee geeriyooday.

Gobolada dalka ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyada nuucaan oo kale ah, waxaana waxyeello ay kasoo gaartaa dad shacab ah , haba ugu badnaadaan caruur aan aqoon walxaan oo ku ciyaara sidaa nafta ugu waaya.

Goobjoog News