U bood dhigaalka

Dad Shacab Ah Oo Lagu Dilay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Maleeshiyaad hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in dad shacab ah ay ku dileen deegaanka Qabno oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Waxgarad ku sugan deegaankaasi ayaa sheegay in maleeshiyaadkan oo ka yimid dhanka degmada Matabaan ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa ceel-biyood dhowaan halkaasi laga hirgeliyey.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaa ku dhimatay Shan qof, iyadoo dhaawac uu soo gaaray dad kale oo goobta ku sugnaa.

Maleeshiyaadkii falkaasi ka dambeeyey ayaa halkaa isaga baxsaday, iyadoo la sheegayo in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto deegaanka Qabno.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Matabaan weli kama aanay hadal falkaan ka dhacay deegaanka Qabno.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News