U bood dhigaalka

Dad Badan oo Shuban Biyood Ugu Geeriyooday Degmada Afmadow

Sheeko:Caafimaadka

Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose waxaa fara ba’an ku haya xanuunka Shuban biyoodka, waxaa ilaa iyo hadda jira dad ugu geeriyooday xanuun, iyadoo la guda galay xilli Roobaadka Gu’ga.

Sida laga soo xigtay xarumaha caafimaadka waxaa  xanuun Shuban Biyoodka ee ka dilaalacay degmada ugu geeriyooday  ilaa iyo 17 ruux, kuwaasoo caruur iyo dad da’ ah inta isugu jira sida la sheegay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland Maxamed Cismaan Jeemis  ayaa sheegay in dadka uu soo ridanayo Shuban Biyoodka ay sii kordhayaan marba marka ka dambeysa.

“Dhimashada haatan waxay mareysa 17 ruux dad badana way la ildaran yihiin Shubanka oo mar walba dadka uu soo ridanayo ay sii kordhayaan, maadama Ceelashii biyaha maca ay gureen oo biyaha la cabo haatan ay yihiin kuwa dhanaan ah” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

Shuban Biyoodka ka dilaacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli gobolka qeybo kamid ah ay ka da’ayaan Roobka Gu’ga, dadka ku nool gobolka ayaa wali waxaa ka muuqata saameynta abaarta ku dhufatay gobolka, waxaana sidoo kale guray Ceelashii biyaha laga cabijiray.

Goobjoog News