U bood dhigaalka

Dad Siyaabo Kala Duwan Loogu Dilay Duleedka B/weyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto xiisad u dhaxeysa Labo beel oo halkaasi wada deggan.

Deegaanka Baar ee duleedka B/weyne ayaa lasoo sheegayaa in 24-kii saac ee lasoo dhaafay lagu dilay dad shacab ah.

Labo haween iyo Labo carruur ayaa la sheegay in maleeshiyaad ku sugan halkaasi ay aano qabiil u dileen, Iyadoo maantana lasoo sheegayo in xiisad ay ka jirto halkaasi.

Saakay waxaa deegaankaasi ka dhacay iskahorimaad u dhaxeeya maleeshiyaadkan, iyadoo weli aanay jirin cid Labada dhinac kala dhex gashay.

Gobolka Hiiraan waxaa kusoo batay dilalka la xiriira aanooyinka qabiil, waxaana horey halkaasi uga dhacay falal sidan oo kale ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News