U bood dhigaalka

Dad Soomaali Ku Jiraan Oo Lagu Dhaawacay Weerar Ka Dhacay Mareykanka

Sheeko:Amniga

Booliiska magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, ayaa xaqiijiyay in ay dhaawacmeen illa iyo lix qof kadib markii ay kooxa kala duwan isku rasaaseyn qeyba ka mid ah magaalada Saacad gudaheed.

Ciidamada Booliska ayaa shaaciyay in dadka dhaawacmay oo xaaladooda caafimaad Isbitaalka lagu dabiibayo ay ku jiraan dad Soomaaliya.

Weeraraad ayaa ka dhacay xaafado ka tirsan koonfurta magaalada Minneapolis, halkaas oo kooxa biskoolada ku hubeysan ay isku rasaaseeyen.

Xabadda ayaa ka bilaabatay xaafad lagu magacaabo Folwell oo ku taalla koonfurta magaalada kadib booliisk ayaa sheegay in ay heleen wicitaanka dadka xaafadda oo gurmad dalbanaya.

Maamulka magaalada ayaa sheegay ay weli wadaan baaritaanno ku aaddan waxa ka dambeyay falalkan ka dhacay magaalada.

Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay seddaxda weerar oo ka kala dhacay xaafado kala duwan ay dhaceen Saacad gudaheed  habeenimadii jimcaha.

Illa iyo hadda lama sheegen magacyada dadka ay waxyeeladu soo gartay balse wararka ayaa sheegay in ay ku jiraan dhalinyaro Soomaali ah.

Goobjoog News