U bood dhigaalka

Dad U Afduubnaa Maleeyshiyo Beeleed oo La Sii Daayay

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo garaya dagmada matabaan ee gobolka hiiraan aya sheeya in lasii daayay dad shacab ah oo afduub ahaan loogu haystay degaano hoostaga degamda maxaas.

Saadaq geelle axmed oo ka mid ah dadka degan degmada matabaan ayaa goobjoog u sheegay in Saaka subaxdii hore ay dagmada matabaan so gareen gaadiid iyo dadkii rakaabka ahaa oo ay maleeshiyo beeled ku afduubteen degaano hoostaga degmada maxaas ee gobolka hiiraan

 

Dadkan waxa dagmada kaga hortagay ehelada dadka la afduubtay si ay o ogadaan badqabkooda, kadibna waxa loosoo gudbiyay degmada gurceel ee gobolka galgaduud. Dadka rakaab ahaa oo tiro ahaan gaarayay todobo qof iyo gaariga ay lasocdeen oo todobaadkii hore la afduubtay ayaa kusoo wajahnaa caasimadda dalka mogdisho,

Meleeshiyaadka afduubtay dadkan shacabka ah ayaa ka qaatay lacag madaxfurasho ah oo cadakeedu lagu sheegay afartan kun oo dollar ah, sida an xogta ku helayno lacagtaan ayaa diyo u ah dad hore looga dilay maleeshiyaadka afduubka gaystay