U bood dhigaalka

Tahriibayaal u Badan Soomaali Oo Ku Geeriyooday Doon Ku Degtay Badda u Dhaxeysa Masar Iyo Liibiya

Sheeko:Dalka

Tahriibayaal u badan Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen dooni la degtay xilli ay ka baxeen dalka Masar kuna wajahnaa dalka Talyaaniga.

Doonidan ka baxday dalka Masar waxay ka sameysnayd Alwaax, waxaana saarnaa in ka badan 400 qof oo ay u badnaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Markii dhowr cisho ay tahriibayaashan ay badda ku jireen waxaa la sheegay inuu ka damay jiheeyihii sidoo kalena aanay wadan Taleefanka Turaayaha si ay ula xiriiraan ciidanka badda Talyaaniga.

Doonida dhexdeeda ayaa la sheegay in ay ka billabatay gacan ka hadal dadkii halkaasi saarnaa ah, hase ahaatee doonta ayaa si lama filaan ah ku rogmatay.

Waxaa la rumeysan yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonidan ku dhintay ay ka badan yihiin 200 oo qof una badan dhallinyaro wax ka baran jirtay dalka Masar.

Waxaa la helay iyaga oo bad qaba dhowr iyo 30 qof, kuwaasi oo la sheegay inay ku jiraa 3 qof oo Soomaali ah kuwaasi oo lagu hayo dalka Gariiga.

Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa maalmahan dambe xoojiyey tahriibka ay ku doonayaan inay ku galaan dalka Masar.

Goobjoog News