U bood dhigaalka

Dad u Shaqeynayay Urur Samafal Oo Lagu Qafaashay Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in rag loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ay gobalka Gedo ku qafaasheen rag u shaqeynayay Urur samafal Wadani ah oo lagu magacaabo HIRDA.

Shaqaalahaan la qafaashay ayaa rag hubeysan waxay ku qabsadeen deegaanka lagu magacaabo Kormareey oo qiyastii 60 Km dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Baardheere ee Gedo.

Dad ku dhawaa halka qafaalka uu ka dhacay ayaa sheegay u sheegay Goobjoog News in dadkaan lala aaday dhanka Tuulada Ilbeerto oo 40 Km u jirta degmada Baardheere.

Dadka la qadaafashay tiradoodu waa Seddax oo uu ka mid yahay darawalkii gaariga u waday.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News