U bood dhigaalka

Dad Uu Soo Ritey Cudurka Shuban Biyoodka Oo La Dhigay Isbitaalka Qansax Dheere, Bakool

Sheeko:Caafimaadka

15 qof oo uu soo ritey cudurka shuban biyoodka ayaa lagu soo waramayaa in la dhigan isbitaalka degmada Qansax Dheere ee gobolka Bakool, halkaasi oo horey dad kale u jiifeen.

Guddoomiyaha degmadaasi Isaaq Maxamuud oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dadkaan qaarkood laga keenay deegaannada ku dhow degmada Qansax Dheere, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu sheegay in ay jireen dad degmadaasi ugu dhintay cudurka Shuban biyoodka, balse ma aanu sheegin tirada dadkaasi, isagoo dhanka kalena sheegay in isbitaalka hadda la ciir ciirayo dad badan oo qaba cudurkaasi.

“Maalin walbo dad ayaa la geeyaa Isbitaalka, hadda waxaa la dhigay 14 qof, horeyna dad kale ayaa isbitaalka u yaallay, degmada iyo deegaannada ku dhow ayaa dadka laga keenay, xaaladooda qaarna aad ayeey u liidataa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn Guddoomiye Isaaq ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samofalka ah in gurmad degdeg ah ay lasoo gaaraan dadka ku xanuunsanaya degmada Qansax-dheere.

Goobjoog News