U bood dhigaalka

Dadaalo caalami ah oo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka madaxda dowladda

Sheeko:Dalka

Safiirka Britain u fadhiya dalka Soomaaliya Neil Wigan ayaa sheegey in shalay uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya iyo madax kale , isagoo sheegey in uu kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Sidoo kale maanta waxaa kulan yeelanaya wakiilo ka socda beesha caalamka oo uu ka mid yahay Nicholas Kay iyo ergeyga Midoowga Yurub iyo Guddoonka Baarlamaanka, waxayna ka wada hadlayaan khilaafka madaxda sidii xal loogu heli lahaa.

Beesha caalamka ayaa aad isugu dhabarjabineysa in aanan la kala dirin xukuumadda, si aysan u hakanin hawsha socota, gaar ahaan hawlgalada amniga lagu sugayo.

Beesha caalamka ayaa si gaar ah oga walaacsan shirka 18-ka bisha ee magaalada Copenhagen kaasi oo lacago badan oo xagga horumarinta ah loogu yaboohayo Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa isna dhankiisa shalay sheeegey in wadahadalada fursad la siinayo, lana hakinayo mooshinka ka dhanka ah Ra’isulwasaaraha, wuxuuna hadlayay waxyar kadib markii 85 xildhibaan oo mooshinka kasoo horjeeda ay la kulmeen guddoonka, kana codsadeen in mooshinka la joojiyo.

Lama oga waxa dublamaasiyiinta shisheeye ay la shirtagi doonaan marka ay Jawaari la kulmaan, laakiin waxaa la fahamsanyahay in ay iyaguna isku dayayaan in mooshinka uusan ahayn xalka.

Goobjoog News