U bood dhigaalka

Dadaallo Lagaga Hortagayo Fatahaad Uu Sameeyo Wabiga Shabelle Oo Ka Billawday Jowhar

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe, waxaa ka soconaya dadaallo badan oo ay wadaan shacabka ku dhaqan degmadaasi, iyo sidoo kale waxgaradka oo kaashanaya Ganacsatada, taasi oo looga hortagayo Fatahaad uu sameeyo Wabigga Shabelle.

Waxaa la abaabulayaa bulshada oo dhan si la’isaga kaashado carro tuur iyo biyo xireenno dhanka wabiga laga sameynayo.

Tani ayaa ka dambeysay ka dib casbi soo wajahday shacabka ku dhaqan degmadaasi, taa oo ku saabsan in Wabiga uu sameeyo Fatahaan, waliba bisha soo aadan.

Ganacsatada ayaa laga doonayaa in ay keenaan wax walba oo loo adeegsan karo biyo celintaasi, halka shacabkana ay iskaa wax u qabso uga howlgali doonaan meel walba oo laga baqayo in wabiga uu kasoo fataho.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay digniino xooggan, kuna aadan in fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabelle.

Goobjoog News