U bood dhigaalka

Dadaallo lagu Xalinayo Xiisado ka Taagan Gobalka Hiiraan oo ka Socda Degmada Matabaan

Sheeko:Amniga

Degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka soconayo dadaallo lagu xalino khilaaf ka dhashay dilal kacay deegaan hoos yimaada Matabaan oo lagu dilay ilaa afar ruux ka soo jeeda gobalka Hiiraan, ayadoona dilka ay geysteen maleeshiyo ka soo jeeda gobalka Galgaduud.

Wax garadka ka soo kala jeeeda labada gobal ayaa ku baxay kuwaas oo ku guuleystay in ay hakiyaan inuu dagaal kale dhaco oo dad kale ay ku geeriyoodaan, waxaana ay sheegeen wax garadka inuu dadaalkooda uu maraayo meel wanaagsan ayna rajo ka qabaan in guul laga gaaro xal waara loo helo dhacdoyinkaan oo soo laablaabtay.

Maxamed Xasan oo ka mid wax garadka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in hadda ay meel wanaagsan wax marsiinayaan, isaga oo intaasna ku daray in dhowaan la filaayo in xalwaara laga gaaro” Waxaa la rajeynaa in meel khaatumo leh ay ku dhamaato, dadkuna waa dad daris ah maadaama dad daris ah oo wada dhashay uu yahay waxna soo dhex mareen waxaana ay jecel yihiin in dhinaca san ay wax u qaadaan, arrimahaas sidii loo xalin lahaa ayeey labada dhinac u heelan yihiin bari oo soo socoto ayaana la rajeynaa in labada dhinac fool ka fool isku hor tagaan”.

Sidoo kale Maamed Xasan waxaa uu sheegay waxaa uu sheegay in dhacdaan dhacday aysan aheyn mid aargoosi ah lakiin ay ku dhacday si kama’ah oo wiil yar uu sabab u ahaa wiilkiina ay gacanta laama ammaanka ay ku hayaan” Dhacdadan mid tacaluqda aargosi Qabiil maahan oo wiil yar diisu weyneen oo dhaga la, ayaa waxaan sababay asagina waa la soo qabtay oo ammaanka gacantiisa ayuu ku jiraa wuu xiran yahay, marka lama dhihi karo waxaa ay daba socotaa arrimihii kale” .

Dhanka kale Maxamed Xasan ayaa xusay in wax garadku marwaliba ay u taagan yihiin sidii xal waara looga gaari lahaa dhacdootinkaan ku soo lab laabtay degamada Matabaan deenagada hoos taga waxaana rajo wanaagsan uu ka muujiyay in lagaaro xal waara “Juhdi ayeey ku bixinayaan oo subax waliba oo meel kasto ayeey tagayaan waxay aadayaan meeshii ay labo qoys ku ogyihiin in gogol nabdeed la iskugu yimaadana waa ay tahay, waxyaabahaan kale oo soo siyaadayna waxaa la jecelyahay in si nabdoon loo xaliyo”
Ugu danbeyn Maxamed Xasan oo kamid ah wax garadka degamada Matabaan ayaa baaq u diray maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle waxaana uu ug baaqay in labada dhinac ay u dhaga nuglaadaan xalkaas oo dhinac waliba uu kaalintiisa ka qaato.

Goobjoog News