U bood dhigaalka

Dadaalo looga hortago fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle oo ka socda degmooyin gobalkaasi ka mid ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa degmooyin ka mid ah gobalka Shabeelaha dhexe ka bilawday dadaalo xoogan oo la doonayo in looga hortago fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle.

Maamulada degmooyinka Balcad, Jowhar, iyo Mahadaay ayaa bilaabay Jawaano qeybin si looga hortago Wabiga Shabelle oo laga baqayo in uu la tago dalag u badan Galley.

Gudoomiyaashaan ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dadaalka ay wadaan uu yahay mid sidoo kale gacan ay ka geysanayaan dhamaan shacabka ku dhaqan degmooyinkaasi.

Dhawaan ayaa deegaano hoostaga degmada Mahadaay waxaa fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabelle, waxaana halkaasi ku baaba’ay dalag beereed u badnaa Galley.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News