U bood dhigaalka

Dadka Danta Yar Ee Ku Sugan Baladweyne Oo Kaalmo Raashiin Ah Ka Helay Dowladda Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka bilawday bixinta raashiin gargaar ah oo dowladda Sacuudiga ugu talagashay in loo qeybiyo dadka danta yar.

Raashin qeybintaan ayaa ka bilaabatay dhammaan xaafadaha magaalada Baladweyne, waxaana uu isugu jiraa Bur,Bariis, Sokor iyo Saliid.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada maamulka gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa ka mahad celiyay raashinkaan, waxaana uu sheegay in dhammaan dadka ku dhaqan xaafadaha Baladweyne, gaar ahaan kuwa danta yar la wada gaarsiin doono.

Raashiinkaan la qeybinayo ayaa loogu tala galay 3 kun oo qoys, waxaana xubno ka socda dowladda Sacuudiga ay sheegeen in kaalmo sidaan oo kale ay u keeni doonaan shacabka ku dhaqan Baladweyne.

Goobjoog News