U bood dhigaalka

Dadka Deegaanka Oo Abaabul Ka Dhan ah Al-shabaab Ka Bilaabay Gobolka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay bilaabeen in ay is abaabulaan, iyaga oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kadib markii dhowaan Ceelbiyoodka deegaanka ay dab qabadsiiyeen xoogga ka tirsan Al-shabaab.

Gurmad balaaran oo isugu jira saanad Ciidan, raashin iyo taageero kale ayay Gudoomiyaha degmada Cadaado Farah Diriye Warsame, xildhibaan Abdi Takiye Farah, wasiir Xasan Cascasey iyo masuuliyiin kale ay gaarsiiyeen deegaan, waxaana ka socda abaabul ay wadaan dadka deegaanka.

Al-shabaab ayaa dhowaan deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka Galgaduud waxaa ay ka gubeen Ceelbiyoodyada, iyaga oo sidoo kale ka jaray isgaarsiinta, deegaannadaas ayaa waxaa ka mid ah Cadakibir, Maarsamage, Dhuumoodle, Qaayib, Cali Weyd, iyo Dhisiq Shurufle oo hoos taga Baxdo.

Gobolka Mudug, Galgaduud iyo gobolka Hiiraan oo daris ah ayaa waxaa ka socda abaabul ay wadaan dadka deegaanka, oo ka dhan ah AL-shabaab. Al-shabaab ayaa laba cisho ka hor duleedka Baladweyne ku dilay 20 ruux,  oo ku siijeeday Maxaas, sidoo kale waxay gubeen 7 Gaadiid ah oo siday Raashin.

May be an image of 3 people, people standing and outdoors

May be an image of 3 people and outdoors

May be an image of 1 person and outdoors

May be an image of 6 people, people standing and sky

Goobjoog News