Deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud oo ay dhawaan Ceelbiyoodka ka qarxiyeen kooxda Alshabaab ayaa dib loo hagaajiyey, waxaana lagu guulaystay in markale Dad iyo duunyadu biyo ka helaan, kuwaas oo muddo harraadanaa.
Guddoomiyaha deegaanka Cadakibir Daahir Daa’uud ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in maalmo lagu mashquulsanaa sidii ceelbiyoodka oo ay ku tiirsaneed Cadakibir iyo deegaano dhawr ah dib loogu hagaajin lahaa si biyo looga helo.
Guddoomiyaha waxaa uu u mahadceliyey Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo xafiiskiisu kaalin wayn ka qaatay sidii dib loogu hagaajin lahaa ceelbiyoodka, isaga oo  intaa ku daray in bulsha dib loogu soo celinayo.
Dadka Deegaanka ayaa talaabadan ku tilmaamay mid lagu farxo, maadaama lagu guulaystay in dib loo hagaajiyo ceelkii dadka iyo duunyada ay ka biyo cabi jiree, waxaana sidoo kale ku tiirsanaa tuulooyin hoos yimaada Cadakibir.
Goobjoog News