U bood dhigaalka

Dadka deegaanka Maarsamage oo dib u howlgeliyay Ceelbiyood ay gubeen Al-Shabaab

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa ku guuleystay in ay dib u hirgeliyaan Ceelbiyoodka deegaanka Maarsamage oo 18-km u jira degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, kaas oo ay dhowaan qarxiyeen Al-shabaab, Ceelka ayaa waxaa biyaha ka cabi jiray dadka deegaanka iyo tuulooyinka hoos taga, shalay galinkii dambe ayaa markale dib loo kiciyay.

Dadka deegaanka, waxgaradka qeybahooda  iyo maamulka degmada Baxdo ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda dib loogu howlgaliyay ceelbiyoodka Maarsamage. Al-shabaab ayaa 1-dii Septembar waxaa ay qarxiyeen ceelka deegaanka, iyaga gubay Barkado, Cadakibir, Dhuumuudle, Dhisigshirifle iyo deegaanno kale ayey Alk-shabaab ka gubeen Ceelal iyo Barkado.

Shiikh Ceydiid Maxamed Axmed oo ka waxgaradka deegaanka oo la hadlay ayaa ka hadalay Goobjoog News  ayaa sheegay in lagu guulaystay in dib loo hirgeliyo ceelbiyoodka deegaanka, waxaana uu sheegay dadka deegaanku ay kaalin weyn ku lahaayeen sidii dib loogu soo celin lahaa Ceelka, isaga oo aan meesha ka saarin doorka dowladda dhexe iyo Galmudug .

“Waa la cabayaa, shaqo ayaa ku socota, waxaana ay noogu suurto gashay dadka deegaanka waa uu is abaabulay, dowladda Galmudugna waa nagu garab istaagtay inaan wax walba ka helno, dalka dhibaato badan ayey u geysteen, annaguna waxaan isku taagnay wax walba  noo soo laabtaan  dadka naftooda iyo maalkooda waa ay isku darsadeen, marka waxaan goosanay inaan iska dhicino oo nafteenna iyo maalkeena aan difaacno, dadka aad iyo aad ayey u barakiciyeen” ayuu yiri Shiikha.

Shiikh Ceydiid oo hadalkiisa siiwato waxaa uu ka hadlay abaabulka ka dhanka ah ee dadka deegaannada Baxdo hoostaga ay ka wadaan, iyga oo kaashanaya ciidanka Daraawiista Galmudug iyo saraakiil ka tirsan xoogga dalka, waxaana uu sheegay in ay diraay u yihiin in ay Al-shabaab ay ka saaraan deegaannada hoostaga Baxdo iyo guud ahaan gobolka Galgaduud ee DGG.

” Abaabulka socda muhiimaddiisu waxaa ay tahay, waa in lagu soo afjaro nimanka Khaw aarijta ah, oo wax ay deynayaan aan la arag, inaan nafteenna, diinteenna iyo dadnimadeena inaan difaacno, waxaan rajaynayaa Barakaca inuu ku dambeeyo, adduunka waxaan u sheegeynaa dadkaas la barakiciyay  oo awal abaareysnaa, aan hoyga laheyn in loo gurmado in loo gurmado cid weliba oo wax heysata hey’adaha deeqda bixiya iyo dowladda” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Shiikh Ceydiid.

Ceelbiyoodka deegaanka Maarsamage ayaa waxaa dib u hagaajintiisa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan sidoo kale dib loo hagaajiyay Ceelbiyoodka deegaanka Cadakibir oo isagana sidaan oo kale Al-shabaab ay gubeen, waxaana falkaas ka dhashay abaabul ay dadka deegaanku ay ka bilaabeen halkaas, iyaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan Al-shabaab.

Goobjoog News