U bood dhigaalka

Dadka Kasoo Jeeda Gobalada Waqooyi Oo Muqdisho Ku Leh Shir Ay Uga Aragti Dhiibanayaan Nuuca Doorashada 2016

Sheeko:Dalka

Shir aragtidooda lagu Ogaanayo dadka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobalada Waqooyi Ee Dalka, kuna saabsan nooca doorashada dhici doonta sanadka 2016-ka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkani waxaa ka qeyb galaya wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Waxaa lagu aruurinayaa shirkani aragtida ay dadka goballada waqooyi ku nool ka qabaan doorashada wadanka ka dhacaysa 2016-ka.

Ra’iisul wasaare xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka qeyb galaya shirkaasi, waxaana uu daba socdaa shirar maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay goballada dalka oo sidan oo kale aragtida dadyowga ku nool lagu ogaanayay.

Dhawaan ayaa shirar midkaan la mid ah waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalooyin badan oo ka mid ah gobalada dalka Soomaaliya.

Siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka, kana soo jeeda gobalada Waqooyi ayaa horay u sheegay in laga tagay aragtidii iyo tixgelintii ay lahaayeen shacabka gobaladaasi kadib shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho magaalada Muqdisho October 27, 2015, (Riix halkaan )

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News