U bood dhigaalka

Dadka Ku Nool Deegaannada Caluula Iyo Qandalla Oo Ka Cabanaya Biyo La’aan

Sheeko:Dalka

Deegaanno ka tirsan Gobolka Bari waxaa laga soo sheegayaa Abaaro Baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada, waxaa yaraaday Biyaha iyad oo kuwa la helana ay qaali yihiin Qiimaha Fuusatada Biyaha ah ayaa aad u kacday

Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa biyo la’aan ay soo wajahday  xoolo-dhaqatada iyo dadka  ku nool deegaannada dhul-daaqsimeedka ah oo ku yaalla buuraleyda u dhaxeysa Caluula iyo Qandalla ee gobolka Bari.

Cabdi Cawil Maxamed waa nin Xoolo dhaqato ah oo ku nool deegaanka Ceel-Gaal ee u dhaxeeya Caluula iyo Qandalla  Goobjoog News ayuu uga warramay Xaaladda abaarta ee  deegaanka ka taagan iyo sida ay u saameysay waxaa uuna yiri.

“Xoolaha waxaa haya abaar daran wixii soconaya ayaan wadanaa kuwii socon waayana waan ka tagnaa, waxaa naheysa biyo la’aan fuustadii biyaha lacagteeda waa ay korortay “.

Qaar ka mid ah deegaannada gobolka Bari ayaa waxaa weli ka jira saameynta abaartii, waxaa ayna hadda dadka ku nool deegaannadaas ay wajahayaan xaalado dhanka nolosha ah.

Goobjoog News