U bood dhigaalka

Dadka Lagu Arkayo Caalamadaha Caronavirus oo Ku Soo Badanayo Galmudug

Sheeko:Amniga

Waxaa sii kordhaya tirada dadka lagu arkayo caalamadaha Caronavirus sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka Galmudug Waxaana Ilaa 54 sambal oo laga qaaday dad lagu arkay caalamadaha caabuqa COVID19 ayaa wasaarada caafimaadka Galmudug shalay galinkii danbe u dirtay magaalada Muqdisho si baaritaano loogu soo sameeyo.

Isku duwaha wasaarada caafimaadka Galmudug Gobalka Mudug Cabdi Maxamuud Xirsi ayaa sheegay in ay sii kordhayaan xaaladaha dadka la xaqiijiyay in ay qabaan caabuqa Coronavirus Isagoona xusay ilaa iyo hadda in tirada guud ay gaareeyso 15 ruux.

Sidoo kale isku duwaha ayaa sheegay in ay dad badan da’doodu ay aad uweyn tahay ay maalmihii u danbeeyay ay ku geeriyoodeen Gobolka inkastoo aan la xaqiijin karin in ay sababsadeen cudurka caronavirus.

Xanuunka COVID-19 ayaa maalmihii ugu dambeeyey saameyntiisa aad looga dareemay deegaannada Galmudug gaar ahaan magaalada Cadado waxaana laga yaabaa in saacad weliba ay soo kordhi karaan dadka lagu arkayo astaamaha caabuqa COVID-19.