U bood dhigaalka

Dadka Naafadaha Oo Ku Dhibban Gelista Xarumaha Waxbarasho Iyo Ganacsi Ee Dalka

Sheeko:Dalka

Dadka naafada ah gaar ahaan kuwa curyaanka ah ayaa aad ugu dhib qaba gelitaanka dhismayaasha ku yaalla wadanka qaarkood, kuwaasi oo aan u diyaarsaneen in qof curyaan ah galo.

Cabdullaahi Cumar Jaamac waa 35-sano jir, waxa uu dhigtaa fasalkii ugu dambeeyay ee dugsiga sare, 10 sano kahor ayuu ka naafoobay Labada lugood, waxaa hadda lagu riixaa baaskiilka dadka naafada ah, mararka qaarna isaga ayaa wata.

Waxa uu inoo sheegay in dhibaatooyin kala duwan kala kulmo gelitaanka goobaha waxbarashada iyo kuwa kale ee bulshadu ay ka adeegtaan maadaama aysan u diyaarsaneen meel dadka naafada ah ay ka galaan.

“Waan u mahacelinayaa Idaacadda Goobjoog, sanadkaan waxaa ii dhamaanaya dugsiga sare fasalkiisa Afaraad ayaa ku jiraa, hadii aan caqabadaha tilmaamo ee xagga dhismayaasha lama soo koobi karo, inta badan goobaha waxbarashada waxay u badan yihiin kuwo u diyaarsan in ay wax ku bartaan dadka socon kara, laakiinse aanay u diyaarsaneen meel ay dadka naafada ah maraan, kan guurguurnaya iyo kan baaskiilka wata meel ay ka galaan iskuullada malahan”

“Aniga hadda iskuul baan dhigtaa caqabado badan baan la kulmay, iskuul aan dhigan jiray waxaan uga haray oo kaliya in la waayo meel aan ka galo, marka caqabadaha halkaan laguma soo koobi karo” ayuu yiri Cabdullaahi Cumar.

Sidoo kale Cabduulaahi ayaa inoo sheegay in iskuulka uu hadda dhigto la jabiyo darbiga yar ee Albaabka fasal walbo uu isagu galo, taasina ay u sameeyaan maamulka Iskuulkaasi.

“Wareer dheer kadib iskuulka aan hadda dhigto waxaan wada tashannay macallimiinta, waxaa soo baxday in fasal walbo oo aan u gubo in albaabka hore la jabiyo qarash ku baxo, kadibna aan sidaasi iskuulka kusoo galo”

Maxamed Cabdullaahi Maxamed muddo ayuu bare soo ahaa, hadda waxa uu ka mid yahay macallimiinta Jaamacadda SIMAD xarunteeda magaalada Cadaado, waxa uu sheegay in dadka naafada ah aysan dhinaca waxbarashada kaga liidan kuwa kale ee lixaadkooda uu dhameystiran yahay oo xitaa xilliyada qaar ay ka firfircoonyihiin.

“Ardayda naafada ah waa kuwo aan ka liidan ardayda kale, waxaad moodaa in fahamkooda uu aad u sarreeyo, caqabadana wey iska jiraan oo ay ka mid tahay in dad badan ama qaar badan oo ka mid ah naafada aysan fursad u helin waxbarashada, caqabado kale wey iska jiraan sida goobaha wax lagu baranayo oo aan u diyaarsaneen dadka naafada ah” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi.

Dhinaca kale wasiirka Gargaarka iyo Arrimaha naafada ee maamulka Galmudug Shire Xirsi Maxamuud oo isna aynu wax ka weydiinnay waxa kaga qorsheysan wax u qabashada baahiyaha dadkaan naafada ah ayaa sheegay in ay wadaan barnaamijyo dadka lagu wacyigelinayo, si loo helo xarumo u gaar ah oo ay leeyihiin dadka naafada ah.

Waxa uu ugu baaqay wasiirka in dadka dhisanaya xarumaha ganacsiga ay ugu talagalaan inay sameeyaan meel ay ka galaan dadka naafada ah.

“Dadka naafada ah waa dadka ugu jilicsan bulshada, waxaan leeyahay dadka dhisanaya xarumaha ganacsiga ugu tala gala meel ay dadka naafada ah iyaga oo qalabkooda wata ka geli karaan, waxaa sidaan oo kale ugu baaqayaa dadka ku howlan dhismaha iskuullada in iyaguna ku talagalka sidaan oo kale sameeyaan, dadku waa kuwo raba inay waxbartaan, helaan xuquuq la mid ah midka uu helayo dadka lixaadkooda qabay” ayuu yiri wasiirka.

Dalalka horumarsan ee caalamka ayaa dhisme walbo oo ay sameynayaan ku tala gala meel uu kasoo geli karo qofka naafada ah, balse weli dalka gudahiisa si aad ah looguma baraarugsana arrinkaasi.

Daahir Faarax Axmed

 Goobjoog News

Cadaado, Galgaduud