U bood dhigaalka

Dadka Turkiga Oo  26 Dal oo Yurub Ah Ku Geli Doona Visa La’aan.

Sheeko:Dalka

Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in uu ogolaado shuruudda ay Turkida wataan oo ah in Muwaadiniinta Turkiga ay qaaradda  Yurub ku galaan Viso La’aan, arrintaas oo qeyb ka aheyd heshiiskii dhawaan dhexmaray labada dhinac.

Visaha Loo ogolaanayo dadka Turkiga kuma jiraan waddamada Ingiriiska, Ireland iyo Cyprus, Waxaa kaloo jirta muranka u dhaceeya  Turkiga iyo Cyprus kaas daba dheeraaday, kana hortaagan Turkiga  in uu ku biro midowga Yurub.

Heshiiska Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa dhigaya in qaxootiga Suuriya lagu soo celiyo Turkey isla markaana halkaas la dajiyo, Midowga Yurub ayaa ka cabsi qaba in Turkiga uu maareyn waayo qaxootiga dalkiisa uga gudbaya Yurub.

Goobjoog News