U bood dhigaalka

Dadka U Geeriyoonayo Astaamaha COVID-19 oo Ku Soo Badanaayo Baladxaawo Halka Caafimaadku Liito

Sheeko:Caafimaadka

Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo waxa sii kordhaya tirada dadka ku dhimanaya  iyagoo leh astaamaha xanuunka safmarka ah Coronavirus  iyadoo ay kuwa kale u jiifaan  calaamadaha xanuunkaasi goobaha caafimaadka

Waxaa 48-kii saac   ee la soo dhaafay  la sheegay inay dhinteen lix qof oo markii hore lagu arkay xumad daran, qufac, dhadhanka iyo urta oo ka tagta iyo neefta oo qabata.

Beledxaawo hadda malaha shaybaadh lagu ogaan karo haddii xanuunka dadkani u dhinteen uu yahay COVID-19 iyo inuu yahay cudur kale lagu ogaan lahaa  balse kooxda caafimaadka ee magaalada ayaa horey Muqdisho ugu diray baaritaannada labo qof oo midkood cudurka laga helay.

Dhawr iyo toban qof oo kale oo laga qaaday baaritaano la xiriira Fayraska COVOID-19  ayaa maanta Muqdisho loo soo duuliyay baaritaannadii laga qaaday. Adeega caafimaadka ee magaalada ayaa aad u liita taas ayaana adkaysay in si dhaqso ah loo ogaado jawaabaha.

Dadka deegaankuna kuma baraarugsanna khatarta cudurka iyagoo aan dhago nugleen talooyinka caafimaadka ee ka hortaga Xanuunnka COVID-19 sida Isuduwaha caafimaadka ee degmada Beledxaawo Axmed Caddow uu u sheegay laanta afka Soomaalga ee BBC-da.

“Tirada la jiifta xanuunka waxay gaarayaan 40, dadka u dhintay ee muujiyay calaamadihii cudurkana waa dad gaaraya lix qof. Dadka xanuunka u jiifa calaamadaha lagu arkay waxa kamid ah qufac, cunihii oo xanuunaya, qandho daran, urtii oo ka tagta, iyo xanuun ay jirka ka dareemayaan” Ayuu yiri Axmed Caddow isku duwaha caafimaadka.

Tirada guud ee cudurka COVID-19 laga helay guud ahaan Soomaaliya ayaa gaaraysa 1,976 iyadoo tirada u dhimatayna lagu sheegay 78. Illaa hadda waxa cudurka ka bogsaday 348. xanuunka ayaa hadda saameyn badan ku yeelanaya gobolada dalka halka magaalada caasimadda ah uu aad uga sii yaraanayo.

Goobjoog News