U bood dhigaalka

Dadka Uu Cudurka Shuban Biyoodka Ku Haya Jilib Iyo Saakow Ee J/dhexe Oo Gurmad Caafimaad u Baahan

Sheeko:Dalka

Waxaa laga deyrinayaa xaaladda caafimaad dad badan oo la xanuunsanaya cudurka Shuban Biyoodka kuwaa oo ku sugan degmooyinka Saakow iyo Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Degmooyinkaan malahan xarumo caafimaad oo dadka lagu daweeeyo, waxaana dadka ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo dhanka caafimaadka ah.

Inkastoo deegaannada ay maamulaan Xarakada Al-shabaab, ayaa hadana guddoomiyaha dowladda ugu magacaaban degmada Saakow Maxamed Xaaji Xuseen islamarkaana dibad joog ka ah degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in xaaladda dadka ku dhaqan halkaasi ay yihiin kuwo aad u daran.

Dad badan ayuu sheegay in Taleefan ay kula hadleen, islamarkaana hadii aanay helin dadka gurmad caafimaad in laga yaabo dad badan in cudurkaasi u dhintaan.

“Degmada Saakow iyo deegaanno kale oo gobolka ah waxaa hadda ka jira cudurka shuban biyoodka, xaaladdu waa mid aad u daran, hadii aan dadkaasi dawooyin lala gaarin waxaa laga yaabaa in xaaladda caafimaad ay kasii darto” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Cudurkaan Shuban biyoodka ayaa la sheegay inuu dillaacay kadib markii dadku ay cabeen biyo wasaqeysan.

Goobjoog News