U bood dhigaalka

Dadka Uu Soo Ridanayo Xanuunka Duumada Oo Kusoo Badanaya Deegaanka Bariire Ee Gobalka Shabeelaha Hoose (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

xanuunDeegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose waxaa laga soo sheegayaa in dad badan ay kula il daranyihiin cudurka Duumada (Malaria) iyadoo aan lahayn goobo caafimaad oo dadkaasi lagu daweeyo.

Maalinba maalinta ka dambeysa waxa uu cudrkaan soo ridanayaa dad u badan caruur iyo sidoo kale dad da ah oo ku nool deegaankaasi, iyadoona hadda dadkii ugu badnaa ay xaafadahooda la jiifaan xanuunka Duumada.

Xuseen Cali oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Bariire ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in xaaladda ay kasii darayso, hadii aan wax loo qaban dadka xanuunsanayana ay macquul tahay xaaladda in halka ay joogto iska sii bedasho.

Waxa uu hadalkiisa ku daray in guud ahaan deegaankaasi aanay ka jirin goobo caafimaad, waxaana dadka uu tilmaamay in loo soo qaado degmada Afgooye ama magaalada Muqdisho, balse dadka aan haysan qarashaad ay deegaanka isaga xanuunsanayaan.

Cudurka Duumada ayaa xilligaan ka jira sidoo kale deegaano badan oo ka mid ah gobalada dalka, waxaana la xanuunsanaya dad aad u badan oo qaarkood aan haysan qarashaadkii ay isku daweyn lahaayeen.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News.