U bood dhigaalka

Dadkii Dhawaan Kasoo Cararay Dagaallada Yemen Oo Xaalad Adag Ku Haysato Magaalada Berbera

Sheeko:Dalka

Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa soo wajahday dadka Soomaaliyeed ee dhawaan kasoo cararay dalka Yemen, kuwaasi oo ku sugan magaalada Berbera.

Dadkaan qaarkood oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in aysan haysan, biyo ku filan oo ay cabaan, raashiin, Musqullo, caafimaad iyo adeegyo kale oo nolosha muhiim u ah.

Barakacayaashan oo u badan Haween iyo Caruur ayaa qaarkood waxa ay la jiifaan xanuuno soo wajahay, waxaana ay dalbadeen in gurmad lala soo gaaro.

Sidoo kale dadkani ayaa sheegay in iyagu aysan dooneyn in deegaan ahaan usii joogaan magaalada Berbera, islamarkaana ay aad u wanaagsanaan lahayd hadii ay heli lahaayeen in loo qaado deegaanada ay kasoo jeedaan ee dalka.

Shacabka iyo maamulka Somaliland ayeey ka dalbadeen in ay wax ka qabtaan xaaladaan adag ee dadkani haysa, sidoo kale u amba bixiyaan deegaanada ay kasoo jeedaan.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ayaa 24-kii bishan May ku dhawaaqay in Dekada Somaliland ka xiranyihiin dadka kasoo cararaya dagaallada Yemen.

Nimco Baashi Cabdi

Goobjoog News

Hargeysa