Dadkii Horay Uga Barakacay Degamada Gelinsoor Ee Mudug Oo Dib Loo Soo Celinayo

Deegaanka Gelinsoor ee gobalka Galgaduud, waxaa horay uga dhacay dagaal beeleed sababay in shacab badan ay halkaasi ka barakacaan, hase ahaatee maamulka degamadaasi ayaa sheegay inay wadaan dadaal ay ku doonayaan in dib ay usoo celiyaan dadkii barakacay.

Cali Saciid Cabdi oo ah gudoomiyaha magaalada Gelinsoor ee gobalka Galgaduud oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal badan oo shacabkaasi dib loogu soo celinayo.

Waxa uu tilmaamay in wada hadal laga geli doono dagaalladii ka dhacay demadaasi, sidoo kale la’isku keeni doono dadkii wada dagaallamay.

“Waxaan wadnaa qorshe dadka lagu wada hadalsiinayo, waxaan rabnaa in nabadda aynu xooijinno, maamulka Galmudug ayaan fileynaa in howshaan uu ka qaato kaalin xooggan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Ugu dambeyn gudoomiye Cali Saciid ayaa ugu baaqay shacabka Gelinsoor in ay iska iloobaan wax walba oo dhan, markaanna usoo jeestaan wax wada qabsi iyo is faham.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW