U bood dhigaalka

Dadkii Kasoo Baracakay Deegaannada Daacdheer Iyo Kaxandhaale Ee Galgaduud Oo Gurmad Dalbaday

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah qoysaskii kasoo barakacay deegaannada Daacdheer iyo Kaxandhaale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa xilligaan sheegay in xaalad adag oo nolosha ah hayso, una baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Dadkan oo sheegay inay soo barakiciyeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa ismaamulka Soomaalida Itoobiye ee Liyuu Boolis ayaa tilmaamay in xilligaan ay noloshooda meel qatar ah marayso, haatanna ay ku noolyihiin deegaanno howt ah.

“Waxaa na haya kuleyl, ma haysanno meel aan ku seexanno, biyo aan cabno, raashiin, cadceedda ayaa nagu dhacda, waxaan u baahannahay gurmad degdeg ah” sidaasi waxaa tiri mid kamid haweenkii kasoo barakacay waqooyiga gobolka Galgaduud.

Sidoo kale mid kamid ah Odayaasha dhaqanka ee kasoo barakacay deegaannada Daacdheer iyo Kaxandhaale ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu yiri “Annaga wax aan guryaheennii kasoo qaadannay malahan, waxaan hadda ku sugannahay tuulooyin ku dhow Cadaado, carruurteena qaarkood dhanka Cadaado ayaan u dirnay, meel aan hadda afka aadinno garan mayno, waxaase noogu daran hadda inaan helno wax aan cunno, cabno iyo meel aan ku hoyanno”

Qoysas badan ayaa kasoo cararay deegaanno ku yaalla gobolka Galgaduud gaar ahaan kuwa dhaca xadka Itoobiya, kadib markii ay sheegeen in ciidanka Itoobiya iyo kuwa Liyuu Boolis ay ammar ku bixiyeen in dadkani isaga baxaan deegaannadaasi.

Goobjoog News