U bood dhigaalka

Dadkii Kasoo Laabtay Yemen Ee Ku Sugan Magaalada Muqdisho Oo Codsi u Diray Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah dadkii kasoo laabtay Dalka Yeman ee soo gaaray Magaalada  Muqdisho ayaa  Dowlada Federaalka ka dalbaday  in dib u dejin loo sameeyo, maadama Dalka ay kusoo laabteen iyaga oo xaalad adag ku sugan.

Hinda Maxamed oo ka mid ah dadka ka soo laabtay Dalka Yeman Isla markaana booqasho ku timid Xarunta Dhexe ee Goobjoog News ayaa sheegtay in intii wadada ay ku soo jireen ay  lasoo kulmaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

Waxa ay sheegtay in magaalada Muqdisho ay ku sugan tahay 15-cisho, iyadoo wadata Seddax caruur ah, waxaana ay si gaar ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uga codsatay in gurmad degdeg ah dadka ay iyadu ka mid tahay la gaaraan.

“Soomaali badan ayaa Yemen ku dhibban, waxaa nala dhahay doonyo ayaa la’idiin soo diraa mana arag, aniga lacag ayaan iska dhiibay, waliba aniga oo waxba haysan, waa in dadkeena kale ee ku dhibban Yemen loo gaaraa” ayeey Tiri Hinda.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa loo baahan yahay in ay u gurmadaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen, kuwaasi oo aan haysan qarash ay kusoo baxaan, sidoo kalena waxaa shacabka la doonayaa in dadka ay kusoo dhaweeyaan dalkooda.

Goobjoog News