U bood dhigaalka

Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Halgan Oo La Geeyay Isbitaalka Baladweyne

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Isbitaalka magaaladaasi lasoo gaarsiiyay dadkii shalay ku dhaawacmay Qarax Miino oo ka dhacay deegaanka Halgan ee gobalkaasi.

Maamulka Isbitaalka Baladweyne ayaa u sheegay Goobjoog News in loo keenay 5 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan, kuwaasi oo Isbitaalka lagu baxnaaninayo.

Waxaa jira dadka qaar oo qaba dhaawacyo xoogan kuwaasi oo ay la tacaalayaan xaaladooda dhaqaatiirta Isbitaalka Baladweyne.

Isbitaalkaasi waxaa sidoo kale jiifa dad Laba Maalin kahor ay ciidamo Itoobiyaan ah kusoo dhaawaceen isla deegaanka Halgan, kuwaasi oo qaarkood loo soo qaadayo magaalada Muqdisho.

Shalay gelinkii dambe waxaa Qarax Miino uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan, waxaana dhammaan dadka waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen shacab.

Goobjoog News