U bood dhigaalka

Dadkii Saarnaa Markabka Nawaal 3 Oo Si Nabad Ah Ku Tagay Boosaaso (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Markabka Nawaal 3 oo waday dad ku dhaw 4-kun oo qof, kana keenay Yemen ayaa shalay si nabad ah waxa uu ugu soo xirtay dekadda Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Markabkaan ayaa kasoo shiraacday dekadda Mukalla oo dadkani uu kasoo qaaday, waxaana markii la geeyay Boosaaso gurmad u fidiyay guddiga Gurmadka Qaxootiga Yemen ee Boosaaso iyo maamulka Puntland.

Dadkaan waxa ay u badnaayeen Haween iyo Caruur, waxaana jiray dad xanuunsan oo Markabka la socday, kuwaa oo goobo caafimaad loo qaaday.

Wariyayaasheen Maxamed Salaad Cismaan iyo Aweys Aar oo la socda Markabka Nawaal Seddax ayaa soo sheegay in dadka si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Boosaaso, islamarkaana la geeyay xerada loogu tala galay in lagu nasiyo.

Ganacsade Soomaaliyeed oo kusoo kacay Barnaamijka Gurmad Iyo Gargaar ee Goobjoog News ayaa ku yaboohay Markabka Nawaal Seddax si uu usoo qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen ku dhibban.

Hoos ka daawo Sawirada.

DSC05183 DSC05189 DSC05191 DSC05197 DSC05206 DSC05207 DSC05211 DSC05211_1 DSC05212 DSC05102 DSC05113 DSC05133 DSC05137 DSC05141 DSC05151 DSC05157 DSC05163 DSC05165 DSC05166 DSC05175

Goobjoog News