U bood dhigaalka

Dadkii Somaliland Ay Deegaanadeeda Ka Soo Masaafurisay Oo Lagu Soo Dhaweyay Puntland

Sheeko:Amniga

Waxaa xalay degmada Burtinle oo hostagta gobalka Nugaal lagu soo dhaweeyay boqolaal shacab ah kuwaas oo maamulka Somaliland ay deegaanadooda ka soo barakiciyeen.

Dadkaan ayeey Somaliland ku eedeysay in ay ka soo jeedaan Koonfurta iyo Bartamaha Sooamaaliya, iyagoo sidoo kale ka soo barakiciyay guryo iyo ganacsiyo ay ku lahaayeen magaalada Laascaanood.

Safar saacado qaatay oo ay ku soo gaareen magaalada Burtinle ayaa waxaa xalay ku soo dhaweeyay magaalada Shacabka iyo maamulka Burtinle oo kaashanaya kan Puntland.

Maamulka ayaa sidoo kale gar gaar caafimaad u fidiyay qaar ka mid ah dadka oo ay xanuuno soo wajaheen intii ay ku guda jireen safarka.

Sawiro laga soo qaaday ayaa muujiyana shacabka Burtinle oo banaanka magaalada kala hortagay raashiin iyo cabitaanno ay quutaan.

Dhanka kale magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa soo gaaray gawaari kale oo siday dad shacab ah kuwaas oo iyagana laga soo masaafuriyay magaalada Laascaanood.

Shacabka gaalkacayo ayaa dhankoodana soo dhaweyn heer sare ah u fidiyay dadka la soo barakiciyay, kuwaas oo maamulka Somaliland deeganadiisa u diiday in ay sii deganadaan.

Goobjoog News