U bood dhigaalka

Badmaaxiyiintii Hindiya ee dhawaan ka xuroobay Burcad Badeeda Soomaalida oo ka sheekeeyay wixii ay la kulmeen

Sheeko:Dalka

Kadib muddo afar sano ah oo afduub loogu heystey gudaha Soomaaliya ayaa 7 ka mid ah rag u dhashay dalka Hindiya oo 15 ahaa oo la siiyey waxaa ay ku laabteen guryahoodii iyo qoysaskoodii, iyaga oo saxaafadda dalkaasi oga xogwaramay wixii ay kala kulmeen kooxihii burcad badeeda Soomaaliya ku heystey.

Ragani oo magacyadooda kala ah Bahadur Singh (58 jir), Litton Daniston Anthony (27 jir), George Joseph (60 jir), Sohan Singh (45 jir), Bhim Sen Singh (45 jir), Manjeet Singh (57 jir), T B Unnikrishna (57 jir ) ayaa sheegey in dhibaato aanan la qiyaasan karin loogu geystey Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen in la uleyn jirey sabab la’aan, in ay biyo iyaga oo aanan weel ay ku darsadaan heysanin ay ka cabi jireen war ay sheegeen in ay masas ka buuxaan, in mararka qaarkood inta la qaawiyo dharkana laga qaadan jirey.

Waxa ay sheegeen in muddo 2 sano ah ay xirnaayeen hal dhar oo aysan iska badalin, kuwaasi oo xitaa aanan loo ogoleyn in ay meyrtaan dharka.

Dadkani ayaa waxa ay la socdeen markabka MV Asphalt Venture kaasi oo 28-dii bishii September, 2010-kii laga afduubtey xeebaha dalka Tanzania, waxaana la siidaayay koowdii bishan kadib markii madaxfurasho laga qaatay, iyada oo markabkii iyo shaqaale kale la siidaayay muddo kasii horeysey oo ahayd bishii April sanadkii 2011-kii.

Waxa ay dadkani sheegeen in xitaa ay xaabo duurka kasoo guri jireen iyaga oo kabo la’aan ah oo ay dureyso qodaxda. Waxay intaasi ku dareen in haddii ay gef yar sameeyaan in rasaas dhagahooda la marin jirey si loo xabsi gali, haddii ay socodka gaabiyaana la taqaantaqin jirey.

Dad badan oo sidan oo kale afduub looga siidaayay Soomaaliya ayaa sheeko tan la mid ah ka sheekeeyey, waxayna sheegeen in wixii loo geystey ay ahaayeen arxan darro weyn.

Goobjoog News