U bood dhigaalka

Dadkii Ugu Badnaa Ee Ku Dhaawacmay Weeraradii Xalay Ka Dhacay Muqdisho Oo La Geeyay Isbitaalka Madiina

Sheeko:Caafimaadka

Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay weerar ku qaadeen Laba Hoteel oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dadkii ugu badnaa ee ku dhaawacmay weeraradaasi ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana jirta shacab qaba dhaawacyo culus.

Wariyaheena Xasan Kaafi Xaaji oo saaka gaaray Isbitaalkaasi ayaa sheegay in tirada dadka dhaawaca ah ee halkaasi la geeyay ay gaarayaan 15 qof, waxaa xalay Isbitaalka ku dhintay 1-qof, 2 kalena dhaawacooda ayaa fudududaan dib ayaana loo celiyay, halka haatan Isbitaalka ay jiifaan 12 qof oo shacab ah kana mid ah dadkii xalay waxyeeladu soo gaartay.

Waxaa jira dad kale oo la geeyay Isbitaalada kale ee magaalada Muqdisho, hase ahaatee tiradooda inta ay la egtahay weli lama shaacin.

Goobjoog News