U bood dhigaalka

Dadkii Ugu Badnaa Oo Cudurka Shuban Biyoodka La Jiifa Isbitraallada B/xaawo Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in dadkii ugu badnaa ay la il daran yihiin cudurka Shuban biyoodka, islamarkaana maalinba maalinta ka dambeysa uu cudurka dad badan soo ridanayo.

Inta la xaqiijiyey waxaa cudurkaan u geeriyootay 5 qof oo ka mid ah 314 oo dhawaan la dhigay Isbitaallada ku yaalla degmada Baladxaawo.

Shire Cabdi Maxamed oo ka mid ah guddiga caafimaadka ee baarlamaanka Jubbaland ayaa u sheegay Goobjoog News in dadaal xooggan ay wadaan oo dawo lagu gaarsiinayo degmadaasi.

Waxa uu sheegay shire in bishii tagtay ee May isbitaallada degmada B/xaawo la dhigay dad gaaraya 369 oo uu soo ritay cudurkan, waxaana uu sheegay inay dhinteen 4 ka mid ah dadkaasi.

Bishan aynu ku guda jirano waxa uu tilmaamay in Isbitaallada la geeyay 314 oo aa5 ka mid ah dadkaasi ay dhinteen.

Ugu dambeyn Shire Cabdi ayaa ugu baaqay dhammaan hay’adaha samafalka ah in gurmad dhanka caafimaadka ah la gaaraan degmada B/xaawo si aanu cudurka deegaanno kale ugu faafin.

Goobjoog News