U bood dhigaalka

Dadkii Ugu Horeeyay Ee Laga Keenay Xeryaha Qaxootiga Kenya Oo Dhoobleey Lagu Soo Dhaweeyay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

qaxDegmada Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose waxaa soo gaaray dadkii ugu horeeyay ee Qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaa oo in ka badan 20 sano ku noolaa Xerayaha Qaxooti ee Dalka Kenya.

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa horay u sheegtay cid walba oo dalbata in dib loogu celiyo dalkeeda laga caawin doono midaasi.

Dadkaan oo tiro ahaan gaaraya Boqol ayaa si iskood ah isku soo diiwaan geliyay, waxaana dadkaasi ay sheegeen in ay doonayaan dalkooda oo muddo badan ugu dambeysay inay ku noolaadaan.

Maamulka Degmada Dhoobleey ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweynta dadkaan, waxaana sidoo kale la sheegayaa in ay jiraan dad kale oo is diiwaan geliyay si dalkooda loogu soo qaado.

Dadkaan ayaa lagu wadaa in la kala geeyo deegaanadii ay horay uga yimaadeen, waxaana meelaha ay tagayaan ku kala yaalaan gobalada Gedo, Jubada Hoose iyo Bay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News