U bood dhigaalka

Dadkii ugu horeeyey ee Qaxootiga Soomaalida Kenya oo Lasoo Celinayo 8-da Bishan

Sheeko:Dalka

qaxootiHorintii ugu horeysey oo dad qaxooti ah ayaa Kenya kasoo laabanaya 8-da bishan, waxaana lagu soo celinayaa magaalada Kismaayo.

Dadkani ayaa qaxootiyada ku jirey wax ka badan 20 sano tan iyo intii ay burburtey dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaana la sheegey in si iskood ah ay u doorteen in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Soo laabshada qaxootiga ayaa waxa ay timid kadib heshiis sedex geesood ah oo sanadkii hore ay wada saxiixeen dowladda Soomaaliya, tan Kenya iyo hey’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR, heshiiskaasina wuxuu dhigayay in dadka Soomaalida ah ee qaxootimada ugu nool Kenya ay Soomaaliya kusoo laabtaan.

Sida ay Goobjoog u sheegeen qaar ka mid ah dadka ka shaqeynaya hawlaha dib usoo laabashada dadka, waxaa lagu wadaa in bishan oo kaliya dalka lagu soo celiyo illaa 400 qof. Guud ahaan dadka isu diiwaangaliyey in lasoo celiyo ayaa gaaraya 3 kun oo qof.

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena magaalada Kismaayo Mascuud Cabdullaahi, waxaa jira goobo loo diyaariyey dadkaasi in la dajiyo oo ku yaala banaanka magaalada Kismaayo, waxayna meelahaasi kala yihiin xeradii hore ee tababarka Booliska ee Lugloow, deegaanka Goobweyn iyo waliba Saac Mooja.

Waxaa kale oo dadka la dajinayaa magaalooyinka Balad Xaawo iyo Luuq.

Sida ku qoran heshiiskii la galay, dadkani ayay tahay in loo diyaariyo adeegyada kala duwan ee asaasiga ah sida biyaha, caafimaadka iyo waliba waxbarasho, kuwaasi oo aanan midkoodna lagu sii diyaarin goobaha hadda la dajinayo dadka.

Goobjoog News