U bood dhigaalka

Dadkii Uu Saameeyay Roobkii Muqdisho Ka Da’ay Oo Aan Weli Guryahoodii Ku Laaban

Sheeko:Dalka

Barakacyaasha ku nool Xeryaha  magaalada Muqdisho waxaa ay galeen habeenno uusan roobka ka kala go’in waxay hooy u noqdeen biyo daad ah oo waxay jiifaan banaaka.

Dadkan ayaa sheegay in aysan heysan meel ay ka galaan dhibicda roobka mana aysan helin wax gargaar ah sida ay sheegeen.

Barakacyaashan ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya in ay u keento booyado biyaha ka qaada guryahooda, iyaga oo tilmaamay inaysan haysan meel ay hooy ka dhigtaan.

Qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa marti-geliyey kumanaan qoys oo barakacyaal ah kuwaasi oo aan heysan wax ay cunaan iyo hooy intaba.

Goobjoog News