U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Ay Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Deegaanno Ku Dhaw Burco

Sheeko:Dalka

Beelo wada dega deegaanka  Gumbur-libaax  oo 100 km dhanka  koonfur –bari ka xigta magaalada Burco  ayaa dirir dhex martay  waxa u dhintay  1 qof  halka halka shan qof na  uu dhaacyo kala duwan soo gaareen.

Dagaalkan  labada beelood oo shalay galabnimadii halkaasi ka dhacay  waxa uu ka dhashay  dhul daaqsin ah oo lahaanshiiyihiisa  ay ku muransanyihiin labada dhinac, waaxayna isku adeegsanadeen rasaas iyo waliba dagaal gacanta la iskula tagay.

Taliyaha qaybta booliska Somaliland ee  gobolka Togdheer  Axmed Maxamed Guutaale  oo ka hadlay dhacdadan  ayaa sheegay in saansaanta  colaadani ay aloosnayd labadii bilood ee ugu dambeeyey waxaanu ka waramay siday wax u dhaceen . “Shalay ayay meesha la yidhaahdo Gumbur-Libaax isku dileen laba Beelood oo halkaa wada dega, Qasaaraha ka dhashay ee dhimasho waa hal Qof, Dadkii kiiskaa loo aanaynayana shan Qof oo mid dhaawac yahay ayaannu soo qabannay, “

Deegaanada bari ee Somaliland oo dirirta u dhaxaysa beeluhu  ay soo noq-noqoto  ayey dhul daaqsimeedku yahay ka ugu badan ee ay dhibtu ka dhalato, waxaana dhawaan deegaanka ceel-afweyn  oo  ka tirsan  gobolka Sanaag   ay beelo iskaga dileeen dad ku dhawaad 10 qof  oo isku khilaafay dhul kan la mid ah .

Goobjoog News