U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Caawa Ka Socda Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil ayaa caawa waxa uu ka soconayaa deegaanka Banyaaley ee gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Dad ku dhow halka dagaalka uu ka socdo ayaa sheegay in dagaalkan uu bilowday salaaddii maqrib kadib, iyadoo illaa iyo haatan uu soconayo.

Inta la xaqiijiyey dagaalkan caawa socda waxaa ku geeriyootey Afar qof oo dhinacyada dagaallamaya u badan, iyadoo in ka badan 10 ruux ay dhaawacantay.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaal habeen kahor sidan oo kale Labadan dhinac ugu dhexmaray deegaankan.

Ma jirto dedaal muuqda oo ay wadaan waxgaradka iyo maamulka gobolka Hiiraan si loo damiyo dagaalkan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News