U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Dad Badan Ku Dhinteen oo Ka Socda Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Dagaal Beeleedyo ayaa mar kale ka bilowday gobolada Waqooyi ee dalka gaar ahaan gobolka Sool halkaas oo saaka ay labo beelood dad badan isaga dileen.

In ka badan 10 qof ayaa ku dhimatay dagaal beeleed ka socda deegaanka Qorrilley ee gobolka Sool, sidaa waxaa xaqiijiyay dadka deegaanka.

Wararka waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu u dhaxeeyo Maleeshiyo Beeleedyo kala taabacsan Puntland iyo Kahaatumohalka warar kale sheegaya in dagaalka aanu aheyn mid siyaasad ee colaaddoodu in muddo ah soo jiitameysay, kuwaas oo dagaalkooda salka ku haya arrimo ku saleysan dhulal iyo daaqa xoolaha.

Arimaha dagaaladaas kala Soco. Goobjoog Radio iyo Goobjoog.com