U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Dib Uga Bilowday Banyaaley, Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Banyaaley ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu dib uga bilowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya Labo bee loo deegaankaasi wada deggan.

Warar ay Goobjoog News heshay ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu hadda soconayo ku dhowaad Saacad, waxayna Labada dhinac isku adeegsanayaan hub aad u culus.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, maadaama dagaalka uu socdo.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaallo maalmahan dambe deegaankaan ku dhexmarayey beelahan oo kasoo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News