U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Dib Uga Qarxay Deegaanka Qorilley Ee Gobalka Sool

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Qorilley ee gobalka Sool, ayaa ku waramaya in halkaasi uu dib uga qarxay dagaal beeleed, u dhaxeeya Maleeshiyaad halkaasi ku wada sugan.

Dagaalkaan ayaa dib uga billawday deegaanka Qorilley, waxaana la sheegay la’isku adeegsanayo hub xooggan oo Labada dhinac ah.

Illaa iyo haatan lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalkaan inta uu la egyahay, hase ahaatee wararka ayaa waxay sheegayaan in Labada dhinac gurmadyo ay kala helayaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale 

Goobjoog News