U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobalka Hiiraan Oo La Xalliyay

Sheeko:Dalka

Dagaal beeleed socday in ka badan 72 saacadood ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan bariga gobalka Hiiraan, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dagaalladaan ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 2 ruux, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay sida ay Goobjoog News u sheegeen dad ku dhawaa halka lagu dagaallamay.

Odayaal dhaqameed kaashanaya maamullada degmooyinka Maxaas iyo Guriceel ee gobalada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa ku guuleystay in ay dagaalladaasi xal ka keenaan.

Waxa ay ugu horeen kala qaadeen Maleeshiyaadkii dagaallamayay iyo sidoo kale in la gaaro heshiis horudhac ah.

Nabadoon Xasan Cusubow oo ah gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan ayaa u sheegay Goobjoog News, in marka hore uu ka xun yahay dagaalkii dhacay, islamarkaana ay aad ugu faraxsan yihiin in ay keenaan xal.

“Dagaalkaan waxa uu ka dhacay duulada Udugley, waxa uu dagaalkaasi ka bilwday dhallinyaro aan waxba garan ayaa gubay Baraag, markii la gubay durma waxaa da’ay roob, waxaa soo baxay wiilal doonayay inay soo eegaan in baraagta Biyu galeen, hase ahaatee rag kale ayeey meesha ugu tageen, dagaal baa dhacay Laba qof ayaa meesha ku dhimatay, Odayaasheena ayaa baxay waxaana suurta gashay in dhinacyadii dagaallamay aan kala qaadno, heshiis horudhac ahna aan dhex dhigno inagga oo kaashaneyna maamullada Maxaas iyo Guriceel” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhowr jeer oo hore waxaa deegaanno ka mid ah gobalka Hiiraan ka dhacay dagaallo u abaabulan qaab beeleed, kuwaasi oo inta badan ka dhashay is qabqabsi dhul iyo sidoo kale ceel biyoodyo.

Goobjoog News