U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Ka Dhacay Qeybo Ka Mid Ah Jubbbada Hoose iyo Dhaawacyo La Gaarsiiyay Cisbitaalka Kismaayo

Sheeko:Amniga

Waxaa saacadihii la soo dhaafay dagaal aad u qaraar uu deegaanada Dalsan iyo Xaadweyne oo dhamaantood hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada hoose ku dhexmaray maleeshiyo beeleedyo walaala ah oo halkaasi wada dega, waxaana dagaalkaasi ka soo baxaya faahfaahinno kala duwan.

Dagaalkaan ayaa waxa uu yimid ka dib markii beelahan walaalaha ah ay isku qabteen dhul daaqsin islamarkaana dagaalkooda uu sababay khasaare isugu jira dhimashi iyo dhaawac soo kala gaaray labadii dhinaca oo ay dirirtu u dhaxeysay, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee jira.

Sida uu soo sheegayo weriyaha Goobjoog News ee gobalka Jubbada hoose, waxaa cisbitaalka weyn ee magaalada kismaayo la gaarsiiyay dad ku soo dhaawacmay dagaalkaasi, waxaana dhaawacyadaasi ay gaarayeen ilaa iyo 8 ruux halka sidoo kale 2 qof oo meyd ah la keenay cisbitaalkaasi.

Wararka aan sidoo kale dagaalkaasi ka helayno ayaa sheegayaa in maamulka Jubbaland ay deeganada lagu dagaalamay u direen ciidamo kala dhex gala maleeshiyaadkaasi, waxaana hadda la soo warinayaa in dagaalku uu istaagay.

Wali ma jirto wax wara oo ka soo baxay maamulka iyo odoyaasha Jubbaland oo ay uga hadlayaan dagaalkaani balse dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in beelahan dagaalkoodu uu noqday mid soo laablaabtay islamarkaana maara loo waayay.

Deegaanada u dhow dhow magaalada Kismaayo ayaa waxaa inta badan ku dagaalama maleeshiyo beeleedyo walaalaha, waxaana wali jirin hannaan looga baaqsanayo dagaalladaasi oo ay la yimaadeen maamulka iyo waxgaradka Jubbaland.

Goobjoog News