U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Ka Socda Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu ka socdo dagaal beeleed sababay khasaare illaa hadda aan la ogaan Karin.

Dagaalka oo beelo walaalo ah malleeshiyaadkooda u dhaxeeya ayaa ka soconaya degaanka Dameerleys oo ah dhul buuraley ah oo ku yaalla dhanka galbeed ee Hiiraan.

Dad xoolo dhaqato ah ayaa wararku tibaaxayaan in dagaalku uu u dhaxeeyo wuxuuna ahaa mid soo jiitamayay in muddo ah.

Labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa dilal ku saleysan aanooyin qabiil ay ka dhacayeen magaalada Baladweyne dhankeeda galbeed oo labada beel ay wada deggan yihiin.

Degaanka uu dagaalka ka socdo ayaan la ogaan Karin xaaladdiisa waxaana aad u xun isgaarsiinta degaankaasi maadaama uu yahay dhul buuraley ah.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News